15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xildhibaan Ilhaam Cumar oo la dhaariyay iyadoo xiran kuusha haweenkeenu caan ku yihiin: SAWIRO

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo dhawaan ka guulaysatay caqabado soo maray si fiicana u garaacdey ruug cadaa siyaasadeed ah ayaa lo dhaariyay xilka.

Ilhaan Cumar ayaa Somalidu aad ugu faraxdey heerka ay gaarsiisey magaca Somaliyeed, waxana manta la dhaariyay iyadoo xiran kuusha ay haweenkeenu caanka ku yihiin.



Ilhaan ayaa ka dhex muuqatay xildhibaano loo dhaarinayay xilka oo si guud dhaar u maray, kadibna kitaabka Qur’aanka si gaar ah iyada loogu dhaariyay, waxaana xiiso lahayd in Ilhaan ay soo xiratay dharka iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Soomaalida gobolka Minneasota, Muslimiinta iyo Dadka laga tirada badan yahayba ayaa u dabaaldegay, kadib markii Ilhaan Cumar oo ku guuleysatey xildhibaannimada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka xilkaas loo dhaariyey.

Xaflada dhaarta ah ayaa ka dhacdey Aqalka sare ee gobolkaasi ayaa waxaa looga soo qaybgaley si balaaran.





C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS