November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maxamed Abiib

Maxamed Abiib

Xildhibaan Maxamed Abiib iyo dad askarta Muuse Biixi soo garaaceen

Xildhibaanka reer Awdal ee Maxamed Abiib ayaa ka hadlay dad deegaankiisa uu horjooge Muuse Handaraab ka soo xidh xidhey oo weliba loo raaciyay in laga soo qaado deegaankooda Hargeysana lagu xidho.



Xildhibaanka oo maafiya soo xidh xidhey uu ku sheegay kuwo wejiga soo duubtey ayaa ah ciidan Ingirisku u tababaray maamulkan ay taageeraan ee Somalilaan ee ay rabaan inay ku awrkacsadaan markay Somaliya wax ka waayaan.



Xildhibaanka oo keligii u muuqda ayaan sheegin talaabada uu qaadayo xilli horjooge Muuse Handaraab uu lacago badan ka filayo reer Yurub lacagahaas badankooda oo uu soo aruurinayo Ingiriisku.




Maaha markii ugu horeysay ee shacabka reer Awdal lagu garaaco deegaankooda kadibna la keeno Hargeysa. Waxa iyana cabanaya beelaha Maxad Case ee Saylici gabay oo hadda xita haweenkooda lagu garaaco Lughaya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS