X

Xildhibaan mooshin ka wada barlamaanka muranka uu ka jiro ee JUBBA oo sheegay xilliga mooshinka

Muqdisho–Xildhibaan ka mida raga wada mooshin ka dhana barlamaanka Axmed Madoobe ayaa sheegay xilliga uu dhacayo mooshinku. Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow isagoo ka hadlayay booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha ku joogo Kismaayo ayaa waxaa uu xusay in xataa haddii uu xal keeno ay iyagu sii wadi doonaan.

“Ra’iisul wasaaraha shaqo ayuu leeyahay, Baarlamaankana shaqo, anagana mooshinkan waxaa cod u qaadi doonaa kulanka ugu soo horeeya ee Baarlamaanka”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland inuu aflagaadeeyay Baarlamaanka, isla markaana uu ku jees jeesay.

Labo jeer ayaa waxaa dib u dhac ku yimid cod la doonayay in loo qaado mooshinka laga soo gudbiyay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo muranka arrintan ku saabsan ay keentay xiisad siyaasadeed oo ka dhex abuurma dowladda iyo maamul goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo xalay Kismaayo ku hoyday ayaa socdaalkiisa waxaa uu la xiriiraa arrinta ku saabsan mooshinka, iyadoo Axmed Madoobe ku hanjabay in xiriirka u jarayan dowladda Federaalka, haddii la meel mariyo mooshinkaas.

Ma jiro ilaa hadda xal uu soo wado Axmed Madoobe oo Kiiniya wadato si arintan lloo xaliyo. Maamulka JUBBA ayaa ah maamul ku meelgaara.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.