Xildhibaan Axmed Maxamad Diiriye Nac-nac oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada somalilland,ayaa saaka shil gaadhi oo ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa uu dhaawac ka soo gaadhay,kaas o la sheegay inuu fudud yahay.
Shilkan oo saaka ka dhacay meel aan sidaasi uga fogayn xarunta wasaarada wax-barashada ayaa ka dhashay gaadhi nooca iska rogadaha,kaas oo la sheegay inuu xildhibaanka oo lugayna turuska ku dhiftay dabadeed uu dhulka ku dhacay nac-nac,balse waxa xusid mudan in aanu daayirka gaadhu jiidhin xildhibaanka.
Dhanka kalena xildhibaan Nac-nac ayaa isbitalka guud ee magaalada Hargeysa loola cararay halkaas oo lagu soo daweynayo dhaawiciisa iyadoo hadda la sheegay In ay xaaladiisa caafimaad ficantahay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay