Somaliya ayaa xaqiijisay qofkii labaad ee dalka gudihiisa ugu geeriyooda cudurka Kooro. Waxa la xaqiijay in xildhibaan Ka tirsanaa maamulka Hirshabeele oo lagu magacaabo Khaliif Muumin Tooxow oo dhawaan uu cudurku Ku dhacay uu geeriyooday maanta.
Xildhibaan ayaa dhawaan laga Keenay magaalada Jowhar lamana sheegin inuu dalka dibediisa Ka yimi iyo in kale. Dhawaan ayay ahayd markii oday reer Ingiriis ahaa laakiin muddo joogey dalka uu noqdey shaqsigii u horeeyay ee u dhinta cudurka Kooro.
Wasiirada caafimaadka ayaa xalay Ka warantey xaalada bukaanada u jiifa cudurka, waxayna sheegtay in ay roon tihiin laba xaalkoodu daran tahay mooyee, waxayna ku celisay in amaawiirta caafimaadka la raaco oo la yareeyo goobaha la isugu imaanayo.
Ummada Somaliyeed ayaa ah dad isku dhegan oo nolol maalmeedkooda soo dhacsada maalintii, weyna adagtahay si loo dabari Karo taas maadaama dalku kacay muddo hore.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay