12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xildhibaan reer Burco ah oo qaba in wixii diiwaangelinta ka soo baxa lagu qaybsado golaha wakiilada

Xildhibaan Mubaarag Yuusuf oo ka mida xildhibaanada Burco ayaa qaba in wixii ka soo baxa diiwaangelinta socda lagu qaybsado golaha wakiilada ee Somaliland. Wuxuu qabaa in ay tahay sida kaliya ee lagu kala bixi karo xilli gobolka Togdheer ay joogaan guddi ka socda golaha wakiilada oo fikrado ka ururinaya sida lagu qaybsanayo golaha wakiilada oo u badan beesha dhexe.

Dadka badankiisa qaasatan reer Awdal ayaa qaba in diiwaangelinta socotaa ay diiwaangelisay reer Awdal badh oo dadka intiisa badan aan la diiwaangelin iyadoo waliba ay taasi u dheertahay in inta la diiwaangeliyay aan lagu kalsooneyn in ay soo wada baxayso musuqmaasuq Jira awgeed.

Tirada ka soo baxda diiwaangelinta ayaa ka mid noqon doonta tirada guud ee dalka Somaliya oo marhore celcelis laga sameeyay Koofurta Somaliya ugu dambeyna la rabo in lagu qaybsado kuraasta dawlada Somaliya iyo waliba mucaawinooyinka.

Sida kaliya ee reer Awdal ku helayaan tiro saxa waa in si saxa loo tiriyaa ayna jirtaa dad khibrad u leh lana helo qalab saxa mudaduna tahay mid la yaqaan oo ku filan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS