X

Xildhibaan reer Laascaanooda oo la diley

Waxa magaalada Laascaanood mardhow lagu diley xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka oo lagu magacaabo C/risaaq Cardoofe oo dhawaan ka qayb galay doorashada golaha deegaanka.


Ragga dilka gaystey ayaa goobta ka baxsaday. Lama garan karo waxa ay ku beegsadeen C/risaaq Cardoofe. Booliiska magaalada ayaa sheegay inay baaritaan bilaabeen.


Laascaanood ayaa waxa 2007 la wareegay ciidamo taabacsan maamulka Somalilaan oo isugu jira dadka deegaanka ee iyagu nacay maamulka Butlaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.