X

Xildhibaanada beelaha DIR oo noqdey kuwo lakala boobo oo ninba goonidii u shaqaysanayo

Xildhibaanada beelaha DIR ayaa ah xildhibaanada lakala jito maadaama aan midiba ka kala aanu aaminsanayn. Xildhibaanada ISAAQ ayaan aaminsanayn kuwa Samaroon halka kuwa Samaroona sidoo kale ayna aaminsanayn.


Ma jirto dan isku xirta taas oo keentay in ninwalba goonidiisa u shaqaysto.

Xildhibaanada beelaha DIRTA koofureed ayaa ku xidhan beelaha Hawiye una dhaqma sida beelaha laga tirada badan yahay oo iyaguna la safta kuwa Hawiye gaar ahaan Abgaal.


Inkastoo ay samaysteen isbahaysi hadana wuxuu ahaa mid ay ka dambeeyeen beelaha Samaroon oo arkey in kuraas ay lahaayeen ay qaateen beelaha ISAAQ ama la siiyay beelaha Daarood.

Musharxiinta Daarood iyo kuwa kale ee aan Hawiye ahayn ayaa ku dawakhey sida loo fahmo xildhibaanada beelaha DIR oo la ogaadey in ay cidkasta u balan qaadayaan in ay codkooda siinayaan hadana la aamini Karin ayuu yiri xildhibaan ka tirsan beesha Daarood.



Xildhibaanada DIR qaasatan ISAAQ ayaa dhamaantood ugu shubey Xasan Sheekh doorkii hore halka beelaha kale ee DIR ay iyagu ugu shubeen dhinacyada kale ee jirey.

Xildhibaanada ISAAQ ayaa la soo faray in ay doortaan nin wadahadal u sii wada beeshooda Somaliland. Halka kuwa Gadabuursi ayna lahayn mowqif iyo cid si gaara ay codka ugu ridaan.



Xildhibaanada ISAAQ ayaan cod siinayn musharax ka socda beelaha kale ee DIR ayse dhici karto in ay iyagu isa siiyaan. Isku soo duuboo xildhibaanada DIR ayaa isku daya in ay ka faro qabsadaan kolba musharaxa lacagta haysta.

Sanadkan ayaan ka duwanaan doonin sanadihii hore, halka ay raacaan ayaa inta badana guushu raacdaa. Waxa xalay la arkey iyagoo ka muuqda shir uu lahaa Xasan Sheekh.

C/llaahi Warmooge

ARAABIEWS

 

admin:

This website uses cookies.