November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xildhibaanada beelaha Woqooyi ee ilaa hadda la doortey iyo qabiiladooda

Doorashada Xubnaha aqalka hoose ee ka soo jeeda gobolada woqooyi ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho, waxaa lagu doortay ilaa iyo Lix xildhibaan.

Xubnaha Maanta la doortay ayaa waxaa ka mid ah masuuliyiin horay uga tirsanaa baarlamaanka, iyo masuuliyiin xilal kala duwan dalka soo qabtay, waxaana ay kala yihiin xubnaha maanta la doortay iyo qabiiladooda.

1-Maxamed Cumar Carte/Isaaq-Habar awal

2-C/raxmaan Ducaale Bayle/Gadabursi-Max’ed case.

3-Caasho Maxamuud Cumar (Koos) Gadabursi-Max’ed case.

4-Yurub Axmed Raabi/Isaaq-Arab

5-Maxamed Ibraahim Cabdi/Isaaq-Sacad Muuse

6-Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) Gadabursi-Max’ed case.

Doorashada ayaa sii socon doonta sida qorshuhu uu yahay, waxaana sidoo kale dhiman doorashada xubnaha Aqalka Sare ee matalaya gobalada Waqooyi ee dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS