X

Xildhibaanada Galmudug kaga jira dawlada dhexe oo kulan la leh

Xildhibaanada Galmudug kaga jira dawlada dhexe ayaa soo gaaray Cadaado. Maalmahan ayaa waxa jirey khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha ku jira maamulka kadib markii Xaaf uu tagey Imaaraadka.

Wafdigan oo shalay ay soo shaac baxday in ay tagayaan magaalada Cadaado, kadib markii xiisada Galmudug ay kor u sii kacday ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiiro, xildhibaano ka tirsan Galmudug, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaanada labada Gole ee Dowladda ka socda, gaarayna Cadaado ayaa waxaa ka mid ah Abshir Bukhaari, Axmed Macalin Fiqi, Mahad Salaad, C/wali Qanyare iyo kuwo kale.



Xildhibaanad aya kulan la qaatey Xaaf ayadoo Xaaf xilka laga qaadey.

“Anaga oo ah wafdi ka kooban Senetarada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Galmudug ayaan saakay soo gaarnay Magaalada Cadaado. Ujeedka socdaalkeena waa inaan xalino khilaafka madaxda Galmudug.”Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad




C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.