Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaano farobadan iska fadhiyaan Muqdisho hadana mishaharku u socdo. Xildhibaanada oo markii hore ku yimi magac qabiil iyo meelaha banaan buuxi ayaa fasax la’aan iska maqan.
Wuxuu tiriyay in ka badan 100 xildhibaan oo aan soo xaadirin fadhiyada golaha shacabka taas oo ah xaqiraad nidaamka jira ayna jirina ciqaab ay la kulmayaan.
Dadka badankiisa ayaa qaba in la yareeyo lacagta bilaashka ee ay qaataan xildhibaanadaas oo lacagtaas la siiyo dadka bahan ee hoostooda jooga.
Xeer hoosaadku waa shaqayn waayay taas ayaana ugu maqan in lagu tunto lacagta masaakiinta laga soo gurey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS