Xildhibaanada golaha shacabka ayaa si kulul uga hadlay xaalada Al-Qudus kana doodaya miisaaniyada oo loo gudbiyay. Xildhibaanada ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado talaabadii xagjir Trump ee Qudus ugu magacaabay caasimad.
Waxa ay sidoo kale tilmaameen in ay soo saari doonaan Go’aan Mid ah oo ka dhan ah hadalka Trump. Dhanka kale Xildhibaanada ayaa ka doodaya miisaaniyadda dawladda ee 2018,maadaama ay muhiim u tahay howlaha dawladda.
Miisaniyadda dawladda ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaareysay 274 Milyen oo doolar,taasi oo ka badan miisaaniyadii 2017,ilaa 14 Milyen,waxaana horey u soo ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Sida uu qabo shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka, marka la ansixinayo hindise sharciyeed kasta amma miisaaniyad kasta waxaa la marsiiyaa aqrinta koowaad iyo tan labaad iyadoo kadib loo gudbo ansixinta oo inta badan u dhacda qaab gacan taag ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay