X

Xildhibaanada Koofur Galbeed oo ku dhegan Jawaari

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa ku dhegan Jawaari. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ugu baaqeen Guddoomiye Jawaari in uu xilka ka dego.



Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye Jawaari ay ka doonayaan in uu tixgaliyo codsigooda Maadaama ay kasoo jeeddaan isku gobol ayna ka codsanayaan in uu iscasilo.



Waxa ay sheegeen in xildhibaanada Mooshinka keenay ay ka badan yihiin 200,islamarkaana inta uusan hortagin baarlamaanka in laga doonaayo in uu codsigooda tixgaliyo.

Jawaari ayaa lumiyay kalsoonida waxayna u muuqataa in la dooranayo gudoomiye barlamaan oo cusub.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.