Xildhibaano cadaalad u raadsaday madaxweyne Farmaajo ayaa war soo saaray. Xildhibaanadan oo 50 gaaraya intooda badana ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa la kulmay madaxweynaha.
Xildhibaanadan ayaa ula kulmey madaxweynaha inuu war ka siiyo wuxuu u fulin waayay xukunkii maxkamadeed ee ku dhacay ninkii gaystey dilka wasiir Cabaas Siraaje.
Maxkamad ayaa xukuntey in la dilo ninkaas ula kaca u diley wasiirka waxase ilaa intaa lagu jirey sidii xal kale loo raadin lahaa. Masuul u hadley 50-kan xildhibaan ayaa sheegay inay guuldaro ku soo dhamaatey kulankii ay la kulmeen Farmaajo.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday Olole Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ku doonaayeen in Caddaaladda la marsiiyo Askarigii ka dambeeyay dilka Marxuum Cabaas Siraaji.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS



More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay