25/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xildhibaano ka socda dawlada dhexe oo gaaray Garoowe xilli Cabdiwelli Gaas ka mamnuucay

Xildhibaano ka socda dawlada dhexe ayaa gaaray Garoowe xilli Cabdiwelli Gaas ka manuucay. Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa gaaray Magalada Garoowe, waxayna dawlada dhexe u matalaan gobolada Puntland.



Xildhibaanadan ayaa aad loo soo dhaweeyay. Masuul u hadley maamulka waqtigiisii dhamadey ayaa sheegay inayna ku jirin mudaneyaasha ka soo jeeda Puntland laakiin la manuucay xafiiska RW Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo.

Warqada qoraal ee ay akhriyeen masuuliyiinta Puntland ayaa waxa aad u caroodey musharxiinta kale oo sheegay in Cabdiwelli Gaas dhamaadey xilligiisii isla markaana aanu mamnuuci Karin masuuliyiinta dawlada.



Maxay kala yihiin masuuliyiinta Puntland ka soo jeeda qabiil ahaan iyo kuwa dawlada dhexe. Puntland miyuu ka jarayaa Somalida inteeda kale, la aqbali maayo ayuu yiri Xuseen Shirwac oo Garoowe jooga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS