X

Xildhibaano ka socda gobolada Woqooyi oo markale la doortey

Doorasho markale ka dhacday Muqdisho ayaa lagu doortey xildhibaano ka socda gobolada Woqooyi ee dalka. Doorashadii maanta ayaa waxa ku soo baxay sadex xildhibaan.


Kursigii ugu horeeyay ayaa waxaa ku guuleystey Maxamed Cali Xaggaa oo ku guuleystey 50 cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Iidle Kheyre uu ka helay hal cod oo qura.


Kursiga labaad ayaa waxaa ku guuleystey  Saynab Maxamed Caamir oo heshay 48 cod halka musharaxii la tartamayay Saynab Axmed Boqorre ay ka heshay 3 cod.

Kursigii saddexaad ayaa waxaa ku guuleystey  Maxamed Cabdullaahi Kaamil isagoo helay konton cod halka musharaxii la tartamayay  Jibriil sacad Muuse uu ka helay 1 cod.


Doorashada xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Waqooyi ayaa maraya heer dhamaad ah iyadoo hal xildhibaan oo ah kuwa ka soo jeeda gobolada Waqooyi aan weli la doorin, sidoo kale waxaa weli la dhowrayaa in ay dhacdo doorashada shan kursi oo hore ay guddiga xalinta khilaafaadka u soo celiyeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.