November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xildhibaano loo diidey in la dhaariyo magacdooda

Wararka laga helayo Dugsiga Sare ee Booliska Muqdisho ayaa sheegaya in 11 xildhibaan loo diiday in lagu dhaariyo xafladii maanta oo goor dhoweyd soo gabagabowday.

Xildhibaanada loo diiday in la dhaariyo ayaa ahaa kuwii ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada, kuraastaas oo 7 kamida ay xalay ansixiyeen in la dhaariyo Madasha Qaran.

Guddoomiyaha Doorashooyinka Heer Federaal Cumar Maxamed Cabdulle ayaa xafladda dhaarta ka sheegay in 11-ka xildhibaan aanay ku jirin xildhibaanada la dhaarinayo maanta.

xildhibaanadaas oo intooda badan xaadir ku ahaa xarunta doorashada ayaan magacyadooda la yeerin, kadibna markii ay tageen goobta waxaa loo sheegay inaysan liiska ku jirin.

Halkan hoose ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS