X

Xilli wahaabiyadu ka soo dhamaanayso Sucuudiga Iiraan oo iyadna fasaxdey haweenka

Gacanku dhiigle Maxamed Salmaan ayaa saxaafada reer galbeedka ee u siiyo saliida jaban u sheegay inuu Sucuudigu joojin doono faafinta Wahaabiyada/Salafiyada. Iiraan oo ah halka Sucuudigu sheegay inay iyagu ka masuul yihiin in Sucuudigu qaato xagjirnimada Salafiyada ayaa Iyana ku dhawaaqdey in haweenku fasax yihiin.


Dabcan haweenka Iiraan waa xor waxa kaliya loo ogoleyn inay tagaan goobaha ragu ku ciyaarayo sida garoomada kubadda cagta. Haddase waxay sheegeen inay fasaxan yihiin oo tegi karaan.

Waxaad is weydiin kartaa diintii markii hore ay u fahmeen inayna tegi karin miyaa hadda la bedelay mise markii horeba qalad ayay ahayd oo waa nooc ka mida wahaabiyada.


Labadan wadan ee xagjirku ah diinta Muslimka ayaa ku jira dagaal iyaga u khaasa. Waxayna ku hirdamayaan wadamada faqiirka ah sida Somaliya, Yaman, Suuriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.