X

Xilliga doorashada madaxtooyada Somaliya oo lagu dhawaaqay

Raiisal wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay xilliga ay dhacayso doorashada madaxtooyada. Kadib kulan looga hadlay waxyaabihii u qabsoomay kulamadii doorashada ayaa lagu jideeyay xilliga doorashada.


Jadwalka cusub ee doorashada ee lasoo saaray ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha dalka ay dhacdo 10-ka October 2021.


1- Tababarka iyo doorashadda guddoonka guddiyada doorashadda ayaa dhacaya 30 June – 05 July 2021.

2- Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ayaa lagu soo geba-gebeynayaa illaa 23-ka July 2021.

3- Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa la qoondeeyey in la qabto 25-ka July 2021.

4- Soo xulista iyo diyaarinta ergooyinka doorashadda ee u codeynaya xildhibaanada golaha shacabka, ayaa lagu soo geba-gebeynayaa 15 July – 10- August 2021.

5- Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa dhaceysa 10 August – 10 September 2021.

6- Dhaarinta Xildhibaannada iyo Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa dhacaya ugu dambeyn 20-ka September 2021.

7- Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaceysa 10 October 2021.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.