11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xilliga la horgaynayo barlamaanka heshiiskii Xasan Sheekh iyo maamul jufeedyada qaar oo la ogaaday

Gudiyaha joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan Xasaasi ah ka qaatay Shirkii Muqdisho ee Madaxda Soomaalida kaasoo lagu hishiiyay qaabka ay doorashada kaga dhici doonto Soomaaliya dhamaadka Sanadkaan.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka mid ah gudiyada kulmay ayaa inoo xaqiijiyay in dhamaadka bishaan baarlamaanka la horkeeni doono hishiiskii lagu sheegay madasha wadatashiga qaran,

26-ka April 2016 ayaa la xaqiijiyey in baarlamaanka la horgeyn doono qorshaha la xariira Heshiisyadii Xasan sjheekh iyo qaar ka tirsan maamul jufeedyada ee lagu sheegay madasha Wadatashiga, iyadoo uu hortagayo Ra’iisulwasaaraha dawladda Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake sida ay noo sheegeen qaar kamid ah Xoghaymaha Xaafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Hishiiskii dhawaan magaalada Muqdisho ay ku gaareen xubnaha madasha ayaa waxaa lagu qeexay qaabka doorashada Soomaaliya u dhaceyso iyo in shirka dastuurka lagu qabanayo magaalada Garowe.

Waxaa jira qaar badan oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo horjeeda heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho iyo waliba kii Garowe kuwaasi oo qaba heshiisyadaasi inay yihiin kuwo sharci daro ah.