X

Xiriir fiican ayaan rabnaa inaan la yeelano Yuhuuda: Dayib Erduqaan

Turkiga oo muddo dheer xiriir fiican la lahaa Yuhuuda ayaa xiriirkoodu xumaaday markii Yuhuudu laysay dad gargaar u waday Falastiin oo fuushanaa markab Turkiga leeyahay. Inkastoo Yuhuudu magdhow bixisay haddana xiriirkoodu ma fiicneyn.



”Waxa Yuhuuda naga dhexeeya sirdoon qaybsi laakiin mashaakil ka jira xagga sare ayaa horjooga inaan xiriir fiican la yeelano ayuu yiri Dayib Erduqaan oo usbuucyo kahor weerar afka ah ku qaaday wadamada Carabta ee Yuhuuda ku xirtey.

”Inkastoo Yuhuudu noqotey meel laysku weeraro siyaasad ahaan waxase ku cad in lo kala badinayo taasina ay ugu wacan tahay in la rabo in xiriir fiican lala yeesho Maraykanka oo ah taageeraha ugu weyn ee Yuhuuda ilaa intii la keenay Falastiin ayuu yiri Xuseen Warsame.


”Hadalka Dayib Erduqaan oo iska dhiga nin aduunka Muslimka ah wax u tara laakiin haddana khasaarihiisu ka weyn yahay waxtarkiisa ayaa imaanaya xilli loo kala badinayo xiriirka Yuhuuda.

Wahaabiyada Sacuudiga oo iyada xiriirkoodu ahaa qarsoodi muddo dheerba waxa hadalka Dayib Erduqaan u yahay naxariis ayuu qabaa Xuseen Warsame.


Wahaabiyada Sacuudiga iyo Dayib Erduqaan waxay ka wada shaqeeyeen burburinta Suuriya ilaa Ruushku yimi oo dalka badbnaadiyay, waxa taasi dheer in Turkigu faraha kula jiro Liibiya iyo ilaa xad Suuriya oo gobol ka mida Ruushku ku ixtiraamayo.

Maadaama shaydaankii weynaa ka baxay aqalka Maraykanka kan hadda yimidna waxba ma dhaamo laakiin ugu yaraan inta jaahilkii hore wixiisu cadaa kani wixiisu waa qarsoodi. Waxayna tani abuuri kartaa in Wahaabiyada iyo akhwaanku isku sdoo dhawaadaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.