X

Xiriir fiican waan la yeelan karnaa Sucuudiga haddii ay joojiyaan Yuhuuda ay ku xiran yihiin: Iiraan

Xiriir fiican waan la yeelan karnaa Sucuudiga haddii ay joojiyaan Yuhuuda ay ku xiran yihiin waxa hadalkaas yiri madaxweynaha Iiran oo ka hadlayay siyaasada arimaha dibedda.

Rawxaani ayaa intaa ku daray xasuuqa Sucuudigu ka wado dalka fiqiirka ah ee Yaman in ay tahay arin kale oo waxweyn u dhimaysa xiriirka labada dal.

Yaman ayaa waxa ka abuurmey siyaasad u dhaxaysay madaxweynihii la diley ee Cali Cabdalla Saalax iyo kan Sucuudigu wato ee Xaddi kuna salaysnayd sidii xukunka loo qaybsan lahaa.



Waxana taas ka faaiideystay Xuutiyiinta Yaman oo iyaguna dulmanaa laakiin labaduba (Cali Cabdalle Saalax iyo Mansuur Xaddi) dagaal kula jireen inkastoo markii dambe Cali Cabdalle Saalax la saftey sidaana caasimada looga saaray Mansuur Xaddi.

Waxae xaaladaa siyaasadeed sii xumeeyay Sucuudiga oo duqeymo ku bilaabey dalka fiqiirka ah.

Madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay in ay macquul tahay in dalkiisu xiriir fiican la yeesho Sucuudiga waa haddii Sucuudigu xiriirka u jaro Yuhuuda xasuuqana ka daayo dadka reer Yaman.



Lama garan karo in Sucuudigu ka hari doono Yuhuuda uu lacagta siiyo si ay u xasuuqaan ururka Xamaas ee jooga Qaasa. Iiraan ayaa dhankeeda isku dayda inay Muslimiinta kale ku dhex beerto dad aaminsan mabda’ooda.



Halka Sucuudigu ku faafiyo Muslimiinta kale dhexdeeda mabda’a Wahaabiyada iyo Salafiyada ee xagjirka inkastoo hadda ay sheegeen inay joojinayaan.

Yuhuuda iyo Maraykanka ayaa raba inay Iiraan ka soo weeraraan dhinaca Sucuudiga. Iiran ayaa ku soo hadhay wadamada Muslimka ah ee ugu xoogweyn bariga dhexe.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.