X

Qaramada midoobey oo soo saartay tirada sanadkan lagu diley Somaliya guud ahaan

Qaramada midoobey ayaa soo saartay tirada sanadkan lagu diley Somaliya guud ahaan. Warbixintaan ayaa waxaa soo saaray Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey.



Warbixintu waxaa ay xustay in khasaaraha faldamiyeed ee ka dhacay Soomaaliya guud ahaan uu gaarayo 4,585 kiis,kuwaas oo mas’uuliyaddooda dusha loogu kala saaray dhinacyada sidan soo socota:



60% ka mid ah waxa gaystey agagixisada shabaab
13% Maleeshiyaad.
11% dhinacyada Dowladda.
4% Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Sidoo kale Warbiixinta ayaa falalkan waxaa ay ku diiwaan gelisay degaannada ay dadkani ku sugnaayeen waxaana Maamul Goboleedyada u kala heleen sidan:

Somaliland 208 Qof.

Puntland  413 Qof.

Galmudug 261 Qof.

Hirshabeelle 269 Qof.

Banaadir 2,265 Qof.

Koofur Galbeed 735 Qof.

Jubaland 434 Qof.

Soo akhrintii C/llaahi Warmooge oo ka tirsan ARAABINEWS

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.