Xisaabiyaha dawlada ayaa wasiirka maaliyada dawlada Somaliya Dr Beyle ku hor dhaartey xilkana la wareegay. Marwa Faadumo Cusmaan Faarax aya xilka ka tirsatey Axmed Yuusuf Muumin (Siraaje) oo jagada laga qaadey.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Maaliyadda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Beyle, Ku xigeenkiisa Prof C/llahi Shiikh Cali (Qaloocoow) iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Md Maxamuud Xayir Ibraahim, masuuliyiin ka socotay Madaxtooyada, Xafiiska R/Wasaaraha, Xafiisyada Hanti Dhowrka iyo Garyacaanka Guud.
Ujeedka Munaasabadda ayaa waxa ay aheyd inĀ ay xilka la wareegto xisaabiyaha Guud ee dowladda.
Wasiirka Maaliyadda ayaa dardaraan u jeediyay Xisaabiyaha cusub ee dowladda, waxaana uu sheegay in laga doonaayo in ay qabato shaqo badan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS




Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay