November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xisbiga Barak Obama oo si xun loogu garaacay doorashadii shalay ka dhacday Maraykanka iyo xisbiga Jamhuuriyada oo aqlabiyad haysta

_78766297_024599994[1]Washington 05 Nov 2014–Doorashada labada sano ee dalkaasi Maraykanka ayaa lagu kala baxay kadib markii xisbiga Jamhuuriga ah uu si xun u garaacay xisbiga Barak Obama ee Dimoqraadiga. Xisbiga Jamhuuriga ayaa hadda qabsaday labada aqal ee hose iyo ka sare.

Sida caadiga ah doorashooyinka hoose waxa inta badan guuldaro la soo hoyataa xisbiga talada haya. Tani ayaa ka dhigan in xisbiga jamhuuriga ah uu diidi karo kuna adkeyn karo siyaasadaha qaar madaxweyne Obama.

Waxase uu sheegay hogaamiyaha aqalka sare in ay wada shaqayn doonaan si dalka loo hormariyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM