X

Xisbiga Wadani oo Boorama ku soo bandhigey dhoolatuskii ugu balaadhnaa: SAWIRO

Dhoolatuska Boorama ee xisbiga Wadani ayaa ushii la tuuraa dhulka u dhacayn. Waa dhoolatuskii ugu balaarnaa ee reer Awdal ka sameeyaan Boorama waxana dad is waydiinayaan tirada ka codaynaysa gobolka oo si ula kaca loo yareeyay.

Musharax C/raxmaan Ciro iyo ku xigeenkiisa ayaa goob joob ka ahaa isku soo baxan magaalada gariiriyay ayadoo ay codsadeen in amniga la ilaaliyo. Musharax Ciro ayaa sheegay in dadku isbedel rabaan isku soo baxana uu taas muujinayo.



Reer Awdal ayaa ku qadey maamulkii Siilaanyo ayadoo xataa loo sheegay in magaaladu ku habooneyn madaar. Horumarka ka jira magaalada ayaa ah kuwo daku qabsadeen.





Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.