X

Xisbiga Wadani oo ka hadlay kulanka Barkhad Batuun iyo Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa casuumay xildhibaanka Barkhad Batuun oo ku soo baxay codkii ugu badnaa magaalada Hargeysa. Waa xildhibaanka keliya ee ka soo jeeda besha faca weyn ee Gabooyaha.


Inkastoo doorashadiisa aan la oran karin waa isbedel haddana dadka qaar ayaa ku macneeyay inuu isbedel ka yimi bulshada qabaliga ah ee Somaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Doorashadii u dambeysay ee maamulka beesha dhexe ayaa waxa ku guulaystay xcisbiga Wadani maadaama codeyntu ku salaysnayd qabili ee ayna haba yaraatee ku dhisnay isbedel.


ā€¯Waxaan u aragnaa in kulankaasi muujinayo isbedelka ay keentay doorashada Barkhad Batuun ayna horseed u yihiin xisbigu waxayse ahayd inu is wada raaciyo ayuu yiru afhayeen u hadlay Wadani.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.