X

Xisbiga Wadani oo qarxiyay balan qaad cajiiba oo Raiisal wasaare Xasan Cali u sameeyay

Siyaasiga Cabdulqaadir Jirde ee ka mid ah Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay qorshe aan shaaca laga qaadin oo dawladda federaalka Soomaaliya la tagtay shirkii lagu qasbay ee dhawaan Jabuuti kula yeelatay maamulka Somalilaan,


Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu miiska wada hadalka uu soo dhigay in maamulka Somalilaan la siinayo xilka madaxweynaha iyo in caasimadda Soomaaliya noqoto magaalada Hargeysa.

“Maalintii dhawayd shirkii la isugu tagay jabuuti ra’iisul wasaare Xasan Cali waxa uu la yimid shirka Somalilaan waxaanu siinaynaa madaxweynaha iyo caasimadda, haddee waana iyada oo aan la wada hadalba oo aan waxba laysla meel dhigin.


C/qaadir Jirde ayaa sidoo kale qaba in midnimo dhexmarta dawladda dhexe iyo maamulka beesha dhexe aanay xalin karin xiligaan dhibaatada qolo kasta gaarkooda u haysata.

“Soomaaliya dhibaatada haysata iyo mushkiladaha u yaalla midnimadu ma xalinayso balse dhibaatooyin kale ayey abuuraysaa.”

“Maamulka Somalilaan lafteeda doorashadan aynu qabsan kari waynay, kala qaybsanaanteena, maamulkeenii oo fadhiid noqday, wax la kala tirsanayo inoo xalin mayso” ayuu intaa ku daray.

Ugu danbeyn Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay inaanay midnimo lala galo Dawlada dhexe ee Soomaaliya ay dhinacna faa’iido u lahayn, sida uu hadalka u dhigay, balse ay wanaagsan tahay in wax wada qabsi walaalnimo ay muhiim tahay.


Somalilaan ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday 1991-kii inay ka madax bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxay juhdi badan gelineysay sidii ay u heli laheyd aqoonsi dal madax bannaan oo dunida aqoonsan tahay, taasi oo aanay weli ku guuleysan, Waxaana sidoo kale jira dad ka soo jeeda gobolada Waqooyi, oo ku Qanacsan midnimo Soomaaliyeed.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.