Afhayeenka arimaha gudaha ee xisbiga Wadani ayaa qarxiyay cida u hanjabtey afhayeenka guud ee xisbiga Wadani Barkhad Jaamac iyo weliba waxa loo soo qaban waayay. Maxamed Faarax Cabdi ayaa sheegay in ninka hanjabaadaas gaystey uu yahay jufada Muuse Biixi.
“Waxa loo qaban waayay waa jufada uu yahay, waxana muujinaysaa maamul xumada iyo cadaalad ku tumashada horjooge Muuse Biixi ayuu yiri xoghahaya arimaha gudaha ee xisbiga.
Waxaan ognahay in gabadh ama wiil Ka soo heesay Xamar jeelka loo taxaabo, ayadoo laga raadsanayo goobta uu Ka jooga gobolka laakiin la soo qaban la’yahay nin drgan guriga horjooge Muuse dabadiisa.
Wuxuu shaaca ka qaaday haddii la soo qaban waayo inay saxaafada la wadaagi doonaan taas oo ah xaqqa keliya ee hadda u furan dulmanaha.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay