08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xisbiga Wadani oo Badhasaabkii hore ee Awdal u magacaabay xubinimadda guddida aqoonsi raadinta Somaliland

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa  soo saaray qoraal ay ku sheegeen inay buuxiyeen xubintii xisbigooda u matalayay   Guddida ictiraaf raadinta Somaliland ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Somaliland.

Xoghayihii hore ee warfaafinta xisbiga WADDANI boobe Yuusuf Ducaalle  oo dhawaan iska casilay kana baxay xisbigaas, ayaa xubin ka ahaa Guddida ictiraaf raadinta. Sidaas darteed, waxay sheegeen inay xubintaasi ku bedaleen  Axmed Xadi Sidci.

Sida lagu sheegay qoraal uu Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) u qoray Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland. “Mudane Wasiir,Tixraac Warqadaada  ku taariikhaysanayd  20/3/2016 kuna saabsanayd buuxinta xubinta Xisbiga WADDANI ee Gudidda Aqoonsi-raadinta.

Waxa Xisbiga WADDANI Xubintaas u soo magacaabay Mudane: AXMED XADDI SIDCI,”ayuu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay qoraalkiisa.  Siyaasigan Axmed Xadi Sidci waxa uu ahaa badhasaabkii hore ee Gobolka Awdal ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay markii uu talladda dalka qabtay sannadkii 2010-kii.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS