X

Muxuu ka dhigan yahay xisbiga cusub ee Itoobiya looga dhawaaqey ee bedelay kii hore

Xisbigii Tikreegu ugu badnaa ee Itoobiya ayaa hadda iska bedelay magaca lana baxay magac u qalma xilli uu dalka hogaankiisa hayo Cabi Axmed oo ka soo jeeda qoomiyada ugu badan ee Oromada.


Xisbigii EPDRF oo lagu xasuusto xasuuq aad u farabadan iyo dadka xabsiyada lagu guro oo aan dib loo arag ayaa badankiisu isku raacay in xisbiga cusub loo bixiyo xisbiga horumarka ee Itoobiya loona soo gaabiyo afka qalaad EPP.


Yaa diidey ka qaybgalka shirka xisbiga cusub

Xisbiga tirada yar ee dalkaasi ee awal ku imaan jirey gaalnimada ee Tigreega ayaa iyagu sheegay inay diideen ka qayb galka shirka lagu bedelayo magaca xisbiga. Tigreega ayaa raba inay ka faaiideystaan dastuurka uu dhigey walaalkood Sinaawi ee sheegaya inay go’i karaan xilli kasta.

Imisa xisbi ayaa ku midoobey xisbiga cusub

Shirweyne xisbigu yeeshay ayaa lagu ansixiyay magacaas. Waxana ka qayb-galay oo si aqlabiyadleh ku ansixiyay sadexda xisbi ee Axmaarada, Oromada iyo qabiilada Koofurta oo hadda mid ka mida uu rabo in loo ansixiyo gobol. Dhawaana lagu dhawaaqi doono codbixintaas.

Somalidu halkee ku jiraan

Xisbiga Somalida ee hadda la baxay dhawaan xisbigha dimoqraadiga Somalida ayaa iyagu sheegay inay taageerayaan halka ay ku jirto maslaxada dalkooda iyo dadkooda sida in la tixgeliyo dastuurka dhigaya in gobolkasta iskii u madax banaanyahay dadkuna xilli kasta goosan karaan.


Luqada Somaliga waa inay heshaa aqoonsi buuxa sida kuwa la mid kah u helaan looguna dhigaa dadkooda afka hooyo. Waxay kaloo sheegeen in la tixgeliyo shabiyada dallooda iyo dadkooda iyo kheyraadka ka buuxa.


Waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka ayaa qaba in ilaa hadda ay ka maqan yihiin isku biirkan xisbiyada iyo ururka cusub laba qodob oo muhiima iyo kuwo kale oo madmadow ku Jiro laakiin dastuurku ogolaanayo.


Itoobiya ayaa ku jirta isbedel xawli ku socda waxase ay ku socdaan in dalku u burburo qoomiyad qoomiyad, ayadoo Tigreegu rabaan inay go’aan laakiin ku xasuuqey Somalida si taas la mida.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.