X

Xisbiyada Somaliya oo kor u dhaafaya 100

Xisbiyada ilaa hadda la diiwaan geliyay ee ka qayb qaadan doona doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka sanadda soo socota aakhirkeeda haddii waxkasta caadi noqdaan ayaa kor u dhaafaya boqol xisbi. Waanaa tiro laga naxo.


Waa tiradii ugu badneyn abid ee la diiwaan geliyo, waxana muuqata in shaqsiyaad kasta iyo xataa jufooyinka hoose ay samaysteen xisbi isna diiwaan geliyeen.

Waxa jira kuwo isla markiiba fashilmey oo ay hogaamiyaan hogaamiyeyaal hore u fashilmey sida fadhiid Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sh Axmed oo isagu ku hanjabay in dawlada hadda jirta dibedda uga tuurayo Muqdisho iyo weliba muddadii kursiga ay fadhiyeen oo ayna waxba dalka ku soo kordhin siiba Koofurta.


Gudoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegtay in ilaa hadda la diiwaan geliyay 63 xisbi ayna wadada ku soo jiraan in ka badan labaatan oo maraya nidaamka loo dejiyay xisbiyada.

Lacagta ku baxaysa


Gudoomiye Xaliimo Yarey ayaa sidoo kale sheegtay in lacagta ku baxaysa doorashada guud ahaan ay gaarayso 23 Milyan oo doolar, lacagtaas oo 7 milyan oo ka mida ay bixin doonto dawlada Somaliya inta kalana ay bixin doonaan hay’addo gaaleed maadaama la raacayo nidaamkooda.

Siyaasiyiinta Somalida ayaan ilaa hadda la iman nidaam ay iyagu leeyihiin, waxana hoosta looga soo geliyay dastuur dhoodhooba oo gebi ahaanba ka fog diinta iyo dhaqanka ummada Somaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.