24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xisbiyo ka Jira Itoobiya oo ruqsada lagala noqday: hoos ka eeg liistada

Golaha doorashada Itoobiya ayaa faafiyey in liisankii doorashada lagala noqday 14 xisbi oo ka soo bixi waayey shuruudihii iyo xeerka doorashada.

Qodobada loo cuskaday xisbiyada waxaa ka mid ah in ayna isbadal ku samayn hogaanka ugu sareeya markuu xiligoodu dhamaado, in ayna gudiga doorashada la socdsiin dhaqaalaha soo gala iyo sida loo istcmaalo iyo in wax war ah aan laga hayn meesha madaxdooda ama xafiisyadoodu ku sugan yihiin.

Gollaha doorashada Itoobiya, NEBE, ayaa wakhtiga doorashadu soo dhowdahay diiwaangaliya xisbiyo badan oo aan horey loo aqoon kadibna ka qaada liisamada marka ay doorashadu dhamaato.

Ururada mucaaradka ah ayaa gollaha doorashada ku tilmaama mid aan madaxbanaayn oo dawlada u xagliya. Waxa ay intaa ku dareen, in doorashooyinka dalka ka dhaca ayna ahyn kuwa xor ah iyada oo codka dawladu ku shubato.

Xukuumada ayaa eedaha mucaardka iska fogeysa iyada oo ku tilmaanta koxaha lidka ku ah kuwo qaybsan oo aan lahayn qorshe lagu maareeyo wadanka.

Xisbiyada la manuucay waxaa ku jira hal urur oo wata magaca deeaganka Soomaalida – Coalition of Somali democratic Forces.

Xibiyadan ayuu golluha ka xayuubiyey ruqsadii doorashada kadib markii bishan 13-dii uu shir isugu yimid.

Ururada lagala noqday fasaxa ayaa kala ah:

1. United Ethiopian Democratic Forces

2. Konso Peoples’ Democratic Union (KPDU)

3. Ethiopian New Era Party

4. Behirework Mesmes Peoples’ Democratic Organization

5. Tembaro Peoples’ Democratic Unity

6. Sodo Gordena People Democratic Organization

7. Gamo Gofa Peoples Democratic Unity

8. Haraari People Democratic Part

9. Gurage People Democratic Fron

10. Coalition of Somali Democratic Forces

11. Unity of South Ethiopia Democratic Forces

12. Gamo Democratic Union

13. Hadia National Unity Democratic Organization and

14. Afar National Revolutionary Democratic Front