08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xog hoose oo aan ka helnay tirada dadkii iska diiwaangeliyay gobolada Awdal iyo Salal

Waxa shalay dhamaatey diiwaangelintii ama tirokoobkii ka socday baryahan gobolada Awdal iyo Salal waxase in muddo ahba aan si hoose ula soconay tirada dad is diiwaangeliya iyo waliba tirada la geliyo kambuutarada.

Waxaan booqanay ilaa 12 xarumood oo ka mida kuwii ugu mashquulsanaa iyo waliba deegaanada Lawyacado iyo Lughaya, waxaan si qarsoodiya ula hadalney shaqaalaha, waxaan aragney in bartamaha gobolka Awdal aanay ka jirin shaqaale ku filan iyo kambuyuutaro halkaasna ay dad badani iska diiwaangelin.

Waxaan ogaanay in si ula kaca loo yareeyay tirada shaqaalaha iyo kambuyuutarada taasina keentay in usbuucii ugu horeeyay ee ugu muhiimsanaa aanay is diiwaangelin dadkii diyaarka ahaa. Waxaan jirin olole ku saabsan diiwaangelinta waxana taas uga sii darnaa in dadkan la diiwaangelinayo aanay haysan cunto awoodna u lahayn in ay istaagaan safaf dhaadheer.

Waxase dhinaca kale aan aragney dad badan oo cidhiidhi geliyay goobaha iyagoo diidanaa in laga tago iyadoo ay dhib ku ahayd in ay tagaan goobaha diiwaangelinta gaar ahaan deegaanada ka tirsan Lughaya oo dadaal dheeraada ay sameeyeen madax dhaqameedka iyo dadka deegaanka sidii dadku u muujin lahaayeen tiradooda waxayna isticmaaleen gawaadhi.

Wuxuu noo sheegay xubin muhiima oo qooraansiyay tirada gashay kambuyuuuratada Hargeysa laga xukumo in Boorama ay iska diiwaangeliyeen tiro 250,000 kun gaaraysa usbuucii u horeeyay ee is diiwaangelinta. Ugu dambeyna ay Boorama cagacagaynaysey 450,000 kun dadka is diiwaangeliyay usbuucii ku xigey.

Waxaan soo helnay tirada iska diiwaangelisay deegaanada abaartu ragaadisey oo dadku aan iswada diiwaangelin in isku celcelis noqdeen 350,000 kun oo ay ku jirto Lawycado oo dadkii reer Jabuuti ee u dhashay xeebta gobolka Awdal ay si xoogleh iskaga diiwaangeliyeen.

Waxa Iyana maqan deegaanada Bariga Awdal laga soo bilaabo Camuud ilaa Dilla oo ayna noo suurtoobin in aan helno.

Waxa hubaala in tirada saxda ah ee iska diiwaangelisay aanay ka yaraanayn 800,000 oo ah tirada u dhow ee gashay kambuyuutarada yaala magaalada Hargeysa.

Goboladan ayaa u baahan in ay tiro koob saxa iska qaadaan iyadoo marhore la daadufeeyay tirada ka soo bixi doonta kambuyuutarada Hargeysa oo sidii la doono loo bedeli karo.

Maxamed Yuusuf madaxa wararka Somaliland

ARAABINEWS