X

Xoogaga woqooyiga Afqaanistaan oo garaacay dhiigmiiratada Daalibaan

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanayay gobolka dooxada Banjir ayaa sheegaya in xoogaga isbahaysiga woqooyiga ay hilfaha u qaadeen weerar ay soo qaadeen dhiigmiiratada Daalibaan. ”Ma jirto xataa 1km oo ay soo dhaqaaqeen ayuu yiri afhayeen u hadlay xoogaga woqooyiga oo iyagu ah qowmiyada Tajik.


Dhigmiiratada ayaa sheegtay inay 8 meelood oo muhiima ka soo galeen gobolka dooxada Banjir oo ah gobolka keliya ee aanu ka taagnayn calanka dhiigmiiratadu. Difaaca gobolkan buraleyda ayaa aad u adag.


Ma jiraan wax wadahadala markaa waxaan go’aansanay inaa dagaal ku qaadno goboka ayuu yiri afhayeen u hadlay dhiigmiiratada Daalibaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.