X

Khad Somali badan ka tahriibeen oo albaabada loo xirey

Dalkaasi fiqiirka haan jirey ee Bolan ayaa sheegay inay xireen khad soo galeeti badan ka soo gali jireen dalkooda ayagoo u socda dalalka jaarka la ah sida Jarmalka iyo Faransiiska ama wadamada galbeedka fog ee Yurub.


”Waxaan bandoo ku soo rogney sadex gobol oo xad la leh dalkaasi Belaruush ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaarada arimaha gudaha. Taas oo ka dhigan Bolan oo ahaan jirtey dal aad u fiqiira ayaa hadda dhaqaalaheedu soo kacayaa maadaama 10 sano ka badan ay ku dhex jireen midowga Yurub.

Waa dalka keliya ee bartamahii labada kun laga waayay dhalinyaro u shaqaysa maadaama ay ka mid noqdeen midowga Yurub kadibna dhamaan dhalinyaradii u soo dhoofeen dalalka Yurub si ay uga shaqaystaan.


Bolan ayaa lagu eedeeyay inay qaxooti farabadan ka celisay xadka Belaruush  laguna amray inay qaabilaan. Waxa dadkaan ku jirey 32 u dhashay Afqaanistaan iyo 41 u dhashay Ciraaq.


Waxana jira Somali farabadan oo ka gudbey xadka u dhexeeya labada halka qaarna la sheegayo inay joogaan dhulka jiqda ah ee labada xad dhaxana ku dileyso.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.