X

Xoola dhaqato lama maqal ku dhigay argagixisada Shabaab miyiga Hiiraan: SAWIRO

Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanada Miyiga ah ayaa waxa la sheegay in dagaal culus uu ku dhex maray dad xoolo dhaqato ah iyo argagixisada UGUS ee Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay deegaanada miyiga ah.

Dadka xoolo dhaqatada ah oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhiigmiiratada UGUS ay dagaalka ugu dileen 10 ruux kuwasi oo uu sheegay in ay ahaayeen argagixisadii dagaalka ku soo qaaday.

Sidoo kale waxaa magaalada Beledweyne la soo gaarsiiyay dhaawacyadi ku soo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanada miyiga ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.