X

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale dhoof u tagey Addis Ababa see loo soo dhaweeyay

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Boley kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumada Hailemariam Desalegn.

Xassan iyo Wafdigiisa ayaa magaalada Addis ababa uga qeybgali doona shir madaxeedkii 26-aad ee Ururka Midowga Afrika.

Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa Arrimaha ugu waa-weyn ee looga Wada-hadlayo waxaa ka mid ah colaadaha ka Aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa inta uu kulankaan socdo Wuxuu Shir-guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ku jira taliska ciidanka Gaarka ah ee Bariga Afrika. Kaasoo looga Tashanayo Xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad-ilaalin ah loogu diri lahaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.