Xoolo ay argagixisadu dhaceen ayaa war farxada laga soo saaray. Taliyaha Ciidanka Dowladda Cali Maxamed Aadan oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa faah faahiyay Howlgallo ay ka sameeyeen degaanada hoosyimada degmada Qoryooley.
Wuxuu sheegay Ciidanka intii howlgalkaasi ay ku guda jireen in ay ku soo qabteen Xoolo Shabaab ay ka soo dhaceen dad xoolo dhaqato ah oo ku nool degaano ka tirsan gobolka Gedo.
Taliyaha ayaa sheegay xoolahan ay soo qabteen in ay soo hadleen dadkii lahaa, ayna ku simi doonaan, isaga oo Ciidanka ku ammaanay howlgalada ay wadaan.
“Anagaa weerarnay waxaan ka soo qabanay xoolo ay ka so dhaceen Dhoobley, 20 neef oo Lo’ah ayaan gacanta ku haynaa, Howlagalada Ciidamada ma joogsanayaan, ilaa aan ka saarno degaanada Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri.
Maaha markii uGu horeysay ee argagixisadu iska xalaashato xoolaha dadku leeyihiin waxay hore u xalaashadeen dhiiga Muslimiinta kuna dareena maalkooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay