Arin argagax leh ayaa saaka lagu arkey wado hormarta guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo ku taal xaafada Shacabka ee magaalada Hargeysa.
Daraasiin Baco ah oo ay ku jiraan hilbo jar jaran iyo timo loo malanayo inay kuwo Bini-Aadam yihiin ayaa lagu soo daadiyay jidkaas hormara guriga Saylici.
Waxa kale oo goobta Hilbahaasi lagu soo daadiyay yaalay oo lagu arkay Golofisyada Qaliinka lagu galo oo aad u badan kuwaasi oo aragagax ku riday dadkii la kulmay dhac dadaasi la yaabka leh.

Jidkaasi hormara guriga madaxweyne ku xigeenka gaar ahaan marka Jidkaasi wax yar dhinaca Woqooyi loo socdo waxaanay dhinaca ku haysaa goobtaasi Masaajidka Ganacsade Baxsane ka dhisay Xaafadaasi ee dhinaca Bari kaga dhegsan Jidkaasi.
Hilbahan iyo Golofyadan goobtani lagu arkay ka sokow waxa dareen cabsi leh dadkii dhacdadaasi arkay ku dhaliyay Timo dhaadheer oo kuwo Bini-aadamka ah oo Qashinkaasi la socday islamarkaana si rocob rocob ah ugu dhex daadsanaa.
Golofyadani ayaa waxa ka muqdey dhiigbadan islamarkaana ahaa kuwa loo isticmaal Qaliinka Bini-Aadamka.
Qaar ka mid ah dadka aagaasi ka dhaw ee guryaha ku leh ayaa saxaafada u sheegay inay tahay markii saddexaad ee Waxaasi lagu soo daadiyo goobtaasi.
Waxa ay sheegeen inay aaminsan yihiin inay Walxahaasi yihiin unugyo ka mid ah hilib kuwa bini-aadamka ah oo qaliin lagu sameeyay ama la googooyay balse aanay garan karin jihada laga keenay iyo cida Goobtaasi dhigtaba.
Dadka degan jidkan ayayna u cusbeyn dhacdadan naxdinleh iyagoo sheegay in ay marhorena arkeen.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay