X

Xukun ku dhacay nin sarkaala oo diley xaaskiisii hore

Waxa Maanta maxkamada ciidanku xukintey nin sarkaala oo ka tirsan ciidanka nabadsugida oo xaaskiisii hore si xun u diley. Ninkan ayaa la mariyay waajibkiisa kadib markii uu si arxandaro ah midi ugu weeraray xaaskiisii hore.


.
Xidigle  Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax   ayaa  horey u ahaa qoys, balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas Doolow oo ay deganaayeen eheladeeda.


Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay.


Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi).

Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid  ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen  soo qabtay gacanku dhiiglaha.


Ninkan oo ay ahayd in marhore la dilo mar hadduu hooyo qudha ka jaray ayaa aad looga deyritay ku hayntiisa jeelka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.