X

Saraakiisha booliiska ee u xiran dembiyada oo la shaaciyay

Waxaad is weydiin Kartaa markaad maqasho magaca booliis inuu tahay qof ilaaliya sharciga aanan ku xadgudbin muwaadin laakiin sida warbixintan ku cad waxaba jira in saraakiisha booliisku yihiin kuwa ka masuula dembiyada waaweyn jeelna ugu jiraan.


Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa faahfaahiyay waxa uuna sheegay in in kabadan 30 saraakiil iyo saraakiil xigeenno iyo askar ay u xiran yihiin fal dambiyeedo kala nuuc ah.


Waxaana uu ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagaan Saraakiisha amniga haddii ay arkaan, askari ka talaabay sharciga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.