November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xukun lagu ridey askar ku kacay arimo foolxun: SAWIRO

Xukun ayaa lagu ridey askar ka tirsan ciidanka jufeysan ee xooga dalka. Askartaan oo sadexa ayaa gaystey falal laga naxo iyagoo ku labisan dharka ciidanka xooga.




Maxkamada Ciidamada Qalabka sida magaalada Baydhabo ayaa xukun ku riday seddex askari oo labo ka mid ah ay ka tirsan yihiin Ciidamada Koonfur Galbeed halka askariga kale uu ka tirsan yahay Ciidamada Badda Soomaaliya.

Askartan ayaa Labo ka mid ah waxaa lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah uga tageen Difaaca Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay, halka Askariga Saddexaadna lagu eedeeyay in uu iibsaday Qorigiisa.


Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Baay ayaa Hal Sano oo xabsi Ciidan waxa ay ku riday Askartan, sida uu ku dhawaaqayo Guddoomiyaha Maxkamadda Aadan Abuukar Maxamed.

Dhanka kale Maxkamada ayaa fasaxday Labo askari kale oo lagu eedeeyay iney dileen dad shacab ah ka dib markii lagu waayay marqaati.