X

Xukunkii Trump oo durba lagu bilaabay qoxooti

Waxa durba xalay la dhaqangeliyay xukunkii Trump uu saxiixay ee ahaa in la joojiyo qoxootiga iyo dadka ka imanaya wadamada Muslimka ee uu madnuucay.

Guud ahaan dalka Mareykanka waxaa ka dhaqan galay amarkii adkaa ee Donald Trump shalay saxiixay, kaasoo u diidayay qaxootiga kasoo jeeda todobo dal oo Soomaaliya ay ku jirto inaysan geli karin Mareykanka.



New York Daily News ayaa soo daabacay in groomed Mareykanka laga celiyay dad horay u deganaa Mareykanka balse haystay sharciga yar iyo dad kale oo qaxooti ah oo haystay green card iyo visooyin kale, dhamaan dadkaasi oo kasoo jeeda dalalka uu Donald Trump calaamadeeyay.

Amarkaan ayaa saameyn ku yeeshay dadka horay u deganaa ee haystay green card-ka oo loo ogol yahay inay deganaadaan Mareykanka kana shaqeystaan.



Hase ahaatee intuusan saxiixin heshiiskaan saacado ka hor ayaa waxaa nasiib u yeeshay inay galaan dalka Mareykanka boqolaal qof oo ay ka mid ahaayeen qoys diin ahaan Islaam u dhashay kana soo jeeda mid ka mid ah dalalka Carabta.

Donald Trump ayaa amarkaan xayiraada dhanka socdaalka ah ee dadka kasoo jeeda todobo dalalka Islaamka saxiixay shalay, ujeedadiisuna uu ku sheegay in lagu hubiyo amaanka Mareykanka, wuxuuna socon doonaa mudo 120 maalmood, kadibna go’aan rasmi ah laga soo saari doono.

Shirkadda Google ayaa ka cabsi qabta iyadana in 7 kun oo shaqaalaheeda oo fasax ugu maqan qoysaskooda inay dib ugu soo laaban waayaan dalka Mareykanka, kuwaasi oo kasoo jeeda todobada dal ee Islaamka ah oo Trump ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.