21/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xukuumada oo faahfaahisay sharciga isgaarsiinta oo madaxweyne Farmaajo saxiixay

Xukuumada ayaa faahfaahisay sharciga isgaarsiinta oo madaxweyne Farmaajo saxiixay.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur ayaa faah faahino dheeraad ah ka bixiyay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).



Wasiirka ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dalka islamarkaana wax badan uu ka saacidayo bulshada Soomaaliyeed.



Sidoo kale Cabdi Canshuur Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya waxa uu sheegay in dhaqaalo ahaan Sharcigan uu muhiim u yahay dhaqaalaha dalka.

Waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan sharci Isgaarsiin oo u soo dhiciya xuquuqda ay ku leeyihiin Shirkadaha gaarka ee ka shaqeeya isgaarsiinta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS