10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xukuumadu waa inay furaha Somaliya oo dhan ee 252 ku soo celisaa gacanta dawlada: JAWAARI

Muqdisho–Gudoomiyaha barlamaanka Somaliya ayaa sheegay in uu ka xunyahay in furaha telefoon ee caalamiga ah ee lagu soo galo dalkoo dhan uu wali ku jiro gacanta dad aan u qalmin, wuxuuna amrey in furahaas dib loogu soo celiyo xukuumada Somaliya.

Kadib burburkii baaxada lahaa ee soo gaaray Somaliya ayaa cidkasta dhinaceeda ka burburisay waxa ugu dambeeya oo la raadiyo waa furihii dalka lagu soo galayay oo wareegaya suuqa.

Jawaari oo sii wata hadalkiisa ayaa wasaarada boostada u sheegay inay sida ugu dhaqsaha badan u soo celiyaan ha noqoto hal bil ha noqoto laba bil waa la soo celiyaa hantidaa qaran ayaa laga soo xigtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM