X

Xulka qaranka Somaliya oo garaacay Burundi oo askari ka joogto Koofurta dalka

Xulka ku ciyaara magaca Somaliya oo inta badana dhalinyaro is abaabushey ayaa garaacay xulka dalkaasi Burundi oo askari ka joogto Koofurta dalka. Koobkan oo ka mida koobabka ugu da’da weyn qaarada Afrika ee ay qaban qaabiso ururka kubadda cagta aduunka ayaa loo qabtaa wadamada bariga iyo bartamaha Afrika.


Waxase doorkan dardar la soo baxay wadamada Somaliya iyo Jabuuti inkastoo aan la fileyn inay gaaraan meel fog. Waxa koobkan lagu qabanayaa Yugaandha oo iyadu qaaday sanadkii hore.


Jabuuti oo iyadna ka mida dalalka ku jira ayaa badisay. Waxase la sugaa sida u ciyaaraan ciyaaraha u harsan. Mid ku darso xulka Somaliya waa dhalinyar is abaabushey oo qayb ka mida yihiin qurbajoog.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.