X

Shacab u dulqaadan waayay heeryada argagixisada oo weerar qaaday gobolka Gedo

VLUU L200 / Samsung L200

Waxa dagaal culus ku dhexmaray gobolka Gedo gaar ahaan deegaanka Ceel-cadde dhiigmiiratada Shabaab iyo dad xoola dhaqato ah oo u adkeysan baad joogto ah oo laga guro.


Dadka shacabka oo gadoodsan ayaa weerar culus ku ekeeyay goobaha ay joogeen argagixisada waxayna dileen argagioxiso dhowra. Dadkan shacabka ee heeryaa iska dul qaadaya ayaan helin wax gurmada halka argagixisadu isku habar wacatey.

Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Cali Cabdi Qoorleex ayaa sheegay in xaaladu hadda degan tahay laakiin argagixisadu wado is urursi halka dadka shacabkuna sugayaan gurmad deg dega.


Maaha markii uGu horeysay oo dadka shacabku gadoodaan markii ay u adkeysan waayeen baada joogtada ah ee argagixisadu kula kacdo deegaanada ay xooga iyo dhuumashada ku joogaan.

Waxa hore heeryada isaga tuurey deegaano ku yaala gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.