20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xurgufta diimeed ee u dhaxaysa Qadar iyo Sucuudiga oo Sucuudiga ku keentay dhaqaale xumo

Xurgufta diimeed ee u dhaxaysa Qadar iyo Sucuudiga oo Sucuudiga ku keentay dhaqaale xumo. Jidka u dhexeeya Qadar iyo Sucuudiga ayaa waxa ka tagi boqolaal gawaadhida xamuulka oo sida noocyada kala duwan ee cuntada iyo cabitaanada.

Sucuudiga ayaa xirtey wadadaas si uu Qadar uGu cadaadiyo iyo soo hoos galaan Wahaabiyada/Salafiyiinta kana yimaadaan akhwaan Muslimiinta oo Sucuudigu necebyahay.



Qadar ayaa diidey in ay hoos tagto Wahaabiyada Sucuudiga waxayna isla markiiba ku dhaqaaqdey in ay si xora ula macaamisho aduunka intiisa kale oo ay jirto Iiraan oo Wahaabiyada Sucuudigu necebtahay dagaalna kula jirto.

Waxa fursada dhaqaale ka faaiideystay Turkiga, Iiraan iyo wadamada kale ee Yurub sida Yurub iyo Maraykanka. Qadar ayaa soo dhoofsatey xoolo lo’aad si u daboosho caanaha dalku u baahan yahay.



Shirkado Qadariyiina ayaa so dhoofiyay lo aad u farabadan waxana goob looga sameeyay caasdimada Dooxa agteeda, waxana hawsha la wada Jarmalka. Dhinaca cabitaanada iyo cuntooyinka waxa keena Turkida iyo Iiraan.



Waxa Sucuudigu khasaarey malaayiin doolar oo ka soo geli jirey dhoofinta cuntada iyo aaladaha kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS