Dawlada Yaman ee ay hogaamiyaan Xuutiyiibta ayaa weerar ku ekeeyay garoon duyaaradeed oo looga soo duulo halkaasna gaarsiiyay qasaare badan. Wahaabiyada Sucuudiga ee dabada ku haysa Yuhuuda iyo Maraykanka ayaa qirtey in qasaare xun soo gaaray.
Maraykanka oo ku faani jirey inay soo ridaan gantaalaha ku socda Wahaabiyada ay taageeraan ayaa ku fashilmey inuu ka qabto gantaalo jooga hoose ku socda dagaalyaganada Xuutiyiintu soo tuureen.
Gobolada u dhow xadka Yaman ayaa dadku bilaabay inay dhufaysyo qotaan ayadoo ay korodhey cabsida ay ka qabaan dawlada Yaman ee saxda ah ee ay hogaamiyaan Xuutiyiinta.
“Waxa weerarkaa ku dhintey ilaa 3 qof waxana dhaawaca 24 qof ayaa lagu sheegay warbaahinta Wahaabiyada. ” Waxa fashilmey lidkii difaaca ee Maraykanku kaga qaatey balaayiinta doolar, waana ta cabsida keentay.
Sucuudiga ayaa si ula kaca u duqeeya goobaha danta u ah shacabka fiqiirka ah ee Yaman, waxayna ku daayaan sheekada waala baarayaa markey xasuuq badan gaystaan.
Tan ugu muhiimsan weerarka maanta ayaa ah in gaashaankii Maraykanku fashilmey iyo Xuutiyiinta oo sheegay inuu yaabkale ku soo socdo Wahaabiyada.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay